Search
Close this search box.

caafimaadka

Maqaal Caafimaad:

Muhiimadda fara-dhaqashadu u leedahay caafimaadka qofka iyo bulshada

—————————————————————————

Gacmahaaga oo aad si fiican u mayrto waa mid ka mid ah tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga iyo xakameynta faafitaanka cudurro badan. Nadaafadda gacmaha oo la ilaaliyo waxay yareyn kartaa halis caafimad oo badan.

Diinteena suubban aad ayay u dhiirrisay nadaafada, gacmahaaga oo aad nadiifiso waa nadaafada qeyb ka mid ah oo caafimaadkaaga laga ma maarmaan u ah.

Gacmaha oo aad ku dhaqdo saabuun iyo biyo waxay ka hortagtaa faafitaanka cuduro badan sida shubanka, daacuunka iyo tiifowga. Waa muhim in qofku uu dhaqo gacmahiisa si wanaagsan isaga oo adeegsanaya biyo diirran iyo saabuun si uu u dilo dhammaan jeermiska saaran gacmaha ee aan lagu arki karin isha.

Haddii biyo iyo saabuun aan la heli karin, gacmaha waxa lagu nadiifin karaa ciid nadiif ah iyo dambas kaas oo yarayn kara waxyeelada fayraska ama bakteeriyada.

Hadaba waxaa muhim ah in qofku gacmihisa dhaqdo markasta, balse waxa jira xilliyo gaar ah oo ay muhiim tahay in si fiican loo mayro gacmaha Sida:

markasta oo ay wasakh ka muuqato.

ka dib booqashada musqusha.

ka hor inta aadan cunto cunin

kadib qufaca ama hindhisada aad ku dabooshid gacmahaaga.

kadib marka aad taabato qof xanuunsan

Xilligaan adag oo aan ku jirno oo uu dunida ku faafay cudurka safmarka ah ee Covid-19, gacmahaaga oo aad si joogto ah u dhaqdid waxay badbaadin kartaa naftaada, qoyskaaga iyo bulshadaaada iyadoo joojin karta faafitaanka cudurkan halista ah

Side loo sameeyaa gacmo-dhaqashada:

Hubi inaad dhaqdo labada gacmood oo ay ku jiraan ciddiyaha farahaaga, calaacalaha iyo suulasha.

Hey’adda caafimaadka addunka (WHO) waxay soo jeedisay in gacmo-dhaqashada la sameeyo iyadoo la raacayo tallaabooyinkaan:-

1. Gacmaha ku qoy (Rushee) biyo.

2. Mari saabuun ku filan gacmahaga.

3. Gacmaha is ku xoq si wadajir ah.

4. Gacanta bidix u istacmaal inaad ku xoqdid dhabarka dambe iyo faraha gcnatada kale.

5. Markale gacanta bidix ku same si la mid ah tii hore.

6. Isku xoq farahaaga si wada jir ah adoo is dhex galinaya dhammantood.

7. Suulka xoq adoo isticmaalaya gacantaada kale Si lamida ku samee gacanta kale suulkeeda.

8.Qaybta hore ee farahaga ku xoq calaacalaha gacantaada midba mar

9.Biyo raaci gacmahaaga.

10. Ku qallaji gacmahaaga maro nadiif ah.

Faraxalo!!!

All reactions:

16

2 comments

19 shares

Like

Comment

Waad mahadsan tihiid maamulka machadka ships horay usocda shqo fiican baa bulshada uhaysaan

Maansha allaah kafaa’idaysi wacan

Share This Article